Rooble oo ka hadlay dadkii AMISOM xasuuqday guddi gaar ahna u saaray

7

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi u saaray dadkii rayidka ahaa ee dhawaan ciidanka AMISOM ay  ku dileen gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddigaan ayaa kala ah Wasiirka Amniga, Caddaalada, iyo Arrimaha gudaha, wuxuuna sheegay in gacanta lagu haayo Askartii AMISOM ee shacabka dishay.

“Isaga oo tixgalinaya cabashada uga timid qoysas eheladooda oo ahaa rayid ah ay ciidamada AMISOM dhawaan ay ku dileen deegaanka Golweyn ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble waxa maanta tacsi ugu yimid oo uu u yeeray Safiirka dalka Uganda u fadhiya Soomaaliya Nathan Mugisha iyo taliyaha ciidamada Uganda kuwaas oo uu faray in ay jawaab deg deg ah ka keenaan dhacadadii lagu laayay dadka rayidka ee aan waxba galabsan” ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Uganda ee Soomaaliya, wuxuuna u xaqiijiyay in ciidankii Shacabka dilay Caddaalada la marsiin doono.