Jubbaland oo war ka soo saartay shaqaaqadii ka dhacday Doolow

13

Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha dowlad goboleedka Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhumaal ayaa waxaa uu ka hadlay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa waxaa uu u mahad celiyey dhamaan intii ka qeyb qaadatay xalintii shaqaaqadii ka dhacaday degmada Doolow.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada amniga Jubbaland ayaa lagu sheegay in wasaarada ay soo dhaweynayso sida wanaagsan ay odayaasha dhaqanka ,maamulka degmada ,taliyaha guutada 10aad , taliyaha nabad sugida gobolka ay u xaliyeen shaqaaqadii ka dhacday degmada Doolow.

“Waxaa uu dhamaan oga mahad celiyey sidii nabad galyada aheyd ee loo xaliyey shaqaaqadii yareyd ee ka taagneyd degmada Doloow Somaliya.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada amniga Jubbaland.