Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Booliska Garbahaareey.

7

Taliska Ciidamada Booliska degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay Ciidamad Booliska.

Waxaana kadib markii uu isku soo dhiibay ciidamada uu magaciisa ku sheegay Cabdirisaaq Cabdullaahi Maxamuud, kaas oo magaciisa afgarashadu yahay (Xudeyfa).

Cabdirisaaq Cabdullaahi Maxamuud “Xudeyfa” ayaa sheegay in uu ururka Al-Shabaab uu ka tirsanaa mudo lix sano ah islamarkaana uu u shaqeenayay.

Ciidamada xoogga dalka oo dagaal xoogleh kula jira Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hore u soo bandhigay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo iskugu jiray Saraakiil, Askar iyo hubkooda.