Maxay ka wada hadleen RW Rooble iyo Xildhibaannada ka soo jeeda G.Waqooyi?

6

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaal Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay xildhibaannada ka soo jeeda gobobllada woqooyi.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka, gaar ahaan maamulida kuraasta xildhibaanada ee gobolada Waqooyi.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa xildhibaanada u xaqiijiyay in guud ahaan doorashada, gaar ahaanna kuraasta gobollada woqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xili dhowaan khilaaf ka dhashay doorashada guddoomiyaha guddiga doorashada ee kuraasta gobolada Waqooyi, kuwaasi oo u kala qeyb-samay laba garab.

Sidoo kale, siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Waqooyi ayaa la kala saftay labada garab ee guddiga u qeyb-sameen.