AFRCOM oo Gaadiid dagaal ku wareejiyay Taliska Ciidanka xoogga dalka

10

Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika oo loo yaqaan ( AFRCOM) ayaa Maanta Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay Gaadiid dagaal oo noocya kala duwan leh.

Munaasabad kooban oo Gaadiidan lagu wareejinayay Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Janeraal Odawaa Yuusuf Raage, Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka iyo Taliska AFRICOM.

Gadiidkan Maanta lagu wareejiyay Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa loogu talagalay in ay ku howlgalaan Ciidanka kumandooska DANABĀ  ee Xoogga dalka, kuwaas oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa uga mahad celiyay Taliska Mareykanka ee AFRICOM Gaadiidkaan ay kusoo wareejiyeen, isaga oo sheegay in Ciidamada DANAB sidii loogu talo galay ay ugu Shaqeyn doonaan Gawaaridaan.

Sarakiil u hadashay Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ee AFRCOM ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo inta badan Gobolada dalka ka wada howlgallo ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.