Madaxweynaha Jubbaland oo laamaha amniga amar culus duldhigay.

14

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyay shirka golaha amniga heer Dowlad Goboleed.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xaaladahii ugu danbeeyay ee dhinaca amniga, gaar ahaan sugidda amniga Doorashooyinka iyo wada shaqaynta dhinacyada kala duwan, kaasi oo ay ka qeb galeen saraakiil ka socotay AMISOM .

Madaxweynaha Jubbaland ayaa faray dhamaan laamaha amniga inay dar dargeliyaan hanaanka lagu xoojinayo Nabadgelyada magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, maadaama ay magaaladu martigelineyso doorashooyinka iyo deegaannada kale ee Jubbaland.

Sidoo kale kulankaas ayaa waxaa looga hadlay sidii dagaalamayaasha AL-shabaab deegaanada ay maamulkaas ka joogaan looga saari lahaa islamarkaana ay ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay howlgalo ka dhan ah AL-shababab uga sameyn lahaayeen maadama uu xiligan dalka isku diyaarinaayo doorasho.