R/wasaare Rooble oo Cali Guudlaawe ka qanciyay tabashadii uu ka qabay shirka.

12

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa maanta ka furmi doono Magaalada Muqdisho , shirkan oo looga hadli doono arrimaha doorashooyinka Qaran iyo dardar gelinta howlaha doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo dalka ka maqan ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.