Taliye ku xigeenka ciidanka booliska gobolka Mudug ee Galmudug Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerar ay ku soo qaadeen dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in abaaro 4:30 habeenimo xilliga la isku diyaarinayay salaad subax ay soo weerareen deegaanka hase ahaate ciidamada xoogga dalka ,kuwa daraawiishta Galmudug iyo bulshada deegaanka ay iska caabiyeen iska caabiyeen.
“Abaaro 4:30 habeenimo xilliga oo la isku diyaarinayay salaad subax ayay weerar gaadmo nagu soo qaadeen kaasi oo ay ku bilaabeen qarax balse qasaaraha iyagu uu soo gaaray.
Taliye ku xigeenka ciidanka booliska gobolka Mudug ee Galmudug Gashaanle Maxamed Mire Maxamuud sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka uu wali socdo isla markaana ay ku wada howlgalo ballaaran.
“Waan sii wadeynaa inta aan ka xoreyneyno dhamaan deegaannada ay sida dhuumaaleysiga ah uga joogaan gobolka Mudug maxaa yeelay awood malahan oo ay si toos ah noogu wajahaan kali hada awoodoodu waxa ay kusoo aruurtay weerarada gaadmada ah ayuu yiri taliye Maxamed Mire.