Taliyaha Ciidanka Asluubta Oo Ka Hadlay Mar Kale Rasaastii Lagu Furay Xasan Shiikh

11

Taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliya, Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa mar kale ka hadlay israsaaseyntii shalay dhexmartay ciidamada Asluubta iyo ilaalada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha ayaa tilmaamay in “ciidanka Asluubta ay yihiin ciidan qaran, howshii loo dirsadayna ay hayaan, uma joogaan in ay qof ku dhibaateeyaan. Uma joogaan in ay qof Soomaali ah dilaan, daraja kasta oo uu haysto ama soo maray.”

Ciidamad Asluubta “waxay u joogaan in ay ilaaliyaan amniga qaranka iyo umadda. Ma jiro qof Soomaali ah oo bartilmaameed u ah in ay dilaan. Mana dhici karto. Ciddii tiri anigaa meeshaas la igu sugaayay waa in ay raaligelin bixisaa.”

Arrintan waxay timid iyadoo shalay kolonyo uu la socday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, lagu rasaaseeyay agagaarka maxkamadda gobolka Banaadir.

Taliyaha ciidamada asluubta Janaraal Mahad, ayaa sheegay in waddada hormarta xabsiga dhexe iyo maxkamadda ay tahay midda ugu amni badan, wuxuuna dalbaday in “dacaayadda laga daayo”.

Wuxuu sidoo kale ku adkeystay in qof kasta oo meeshaas maraya uu is sheego. “Cid kastoo mareysa nooca uu yahay in la hubsado ayey meesha u joogaan”.

Wuxuu tilmaamay in ay ka hortagayaan “Al-shabaab iyo weerarradooda” iyo in ay ilaalinayaan xafiisyada dowladda ee waddadaas saaran.

Isagoo ka hadlayay sidii ay wax u dheceen wuxuu yiri: “Gaariga cabdi-bilaha ayaa gudbay. Waxay ahayd in ay istaagaan. Haddii uu dhihi lahaa waxaan wadnaa madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud, askarta jidkey u furi lahayd. Ma dhihin ee waa gudbay”.

“Markuu gudbay, wuxuu joojiyay gaariga dambe si ay u hubsadaan. Gaarigii gudbay ayaa xabad soo billaabay. Kaamiraa jirto, umad badanaa joogtay. Waxa aan sheegayana waa wax cad. Dhibaatada Cabdi-bilahaas ayaa sameeyay. Wuxuuba dili gaaray ninkii uu ilaalinayay”.