Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo galay maalintiisii 3aad.
Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan, Iyadoo uu sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka.
Shirka oo ka qeyb galeen Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku soo dhamaaday rajo iyo iyo yididiilo wanaagsan.