Maxuu Laftagareen kala hadlay odayaasha dhaqanka K/Galbeed?

24

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhaba kulan kula qaatay odeyaasha dhaqanka deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed kala hadlay xaalada guud dalka, asagoo warbixin guud ka siiyey xaalada guud ee dalka.

Xaaladda dalka ayaa haatan cakiray waxuuna madaxweynaha Koonfur Galbeed ka mid yahay xubnaha taageersan mudo kororsiga madaxweyne Farmaajo, kaas oo qalalaase geliyey caasimadda Muqdisho.