Dowladda Soomaaliya oo heshiis cusub ku saxiixday Addis Ababa

20

Shir ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya waxaa maanta lagu kala saxiixday heshiis ay Soomaaliya uga mid noqoneyso dalalka Afrika ee awooda u leh yareynta khataraha masiibooyinka.

Dowladda Soomaaliya waxaa heshiiskaas u saxiixay wasiirka gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye.

Qoraal kooban oo ay soo saartay wasiir Khadiijo waxaa lagu yiri, “Waxaan xarunta Midoowga Afrika (AU) ee Addis-Ababa aan ku saxiixay heshiis ay Soomaaliya uga mid noqoneyso Wadamadda Afrika ee Awoodda u leh yareynta Khataraha Masiibooyinka (African Risk Capacity) Soomaaliya waa waddankii 35-aad ee qeyb ka noqda ururkan, waana dalkii u horeeyey ee sannadkaan 2021-ka kusoo biiray (ARC).”