Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyey Weriye Kilwe Aadan

16

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray wareegto uu cafis ugu fidiyey Weriye Kilwe Aadan oo muddo saddex bilood ka badan ku xirnaa magaalada Garowe, isla markaana dhowaan maxkamadi ku xukuntay saddex sano oo xarig ah.

Wareegtada ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.13 Maarso 22, 2021, kuna saabsan fidin Cafis Gaar ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 11aad Markuu arkay: Qodobka 149-aad. ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa cafis Madaxweyne oo gaar ah loo fidiyey Xukumane Kilwe Aadan Faarax. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.”