R/wasaare Rooble iyo Mucaaradka oo shir ugu furmay Muqdisho

21

Shir u dhexeeya R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Roonle iyo midowga musharaxiinta ayaa waxaa uu ka furmay Hotelka Decale oo u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa la sheegay inuu daba socdo kulankii dhawaan uu la qaatay xubanaha Musharaxiinta ee heshiiska ay ku wada gaareen Muqdisho si loo baajiyo banaanbaxyadii ay doonayeen inay sameeyaan Midowga Musharaxiinta, kaasi oo ay qeyb ka ahaayeen madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka maanta diirada lagu saari doonayo doorka Midowga Musharaxiinta ay ku yeelan doonaan wadahadallada la xiriira dhameystirka doorashooyinka dalka iyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Septembar

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la filayaa inuu shir isugu yeero, martiqaadna u diro dowlad Goboleedyada, si Muqdisho loogu saxiixo qodobadii Baydhabo xalka looga soo gaaray