Mucaaradka oo Farmaajo ku eedeeyay inuu ‘carqaladeynayo’ wadahadalada iyaga iyo Rooble

13

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo goordhaw soo saaray war-saxaafadeed ayaa nasiib-darro iyo hagal daacin ku tilmaamay shirka uu madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo isaugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada.

“Wareeg kale oo wadahadal ayaa labada dhinac ugu ballameen maalinta Khamiista ah ee ay bishu tahay 04/03/21 si loo dhammeystiro arrimaha qabyada ah ee la xariira cidda yeelanaysa  mas’uuliyadda hoggaamineed ee amniga iyo doorashooyinka,  maaddaama uu muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee dalka uu dhammaaday, kaalinta Midowga ee wadahadallada Doorashooyinka iyo furitaanka maslaxada siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka midowga musharaxiinta ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagaldaacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga, kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta.”