Maamulka G/Banaadir Oo Diyaar Garoobaya Natiijada Shirka Dhuusamareeb

9

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa maanta shir Guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo todobaadkii mar la qabto.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin sugida amniga Caasimadda dalka ee Muqdisho, Nadaafada, Canshuuraha iyo Caafimaadka iyo dardar-gelinta Horumarinta Caasimadda.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa diirada loogu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka Doorashooyinka iyo  u diyaar garoowga natiijadda Shirka Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uga socda Magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka, iyadoo Guddoomiye Cali yare faray Guddoomiyeyaasha dardar-gelinta shaqooyinka.