Baarlamaanka HirShabeelle oo maanta ka dooday qodob uga sii dari kara xiisada reer Beledweyne

6

Baarlamaanka maamulka HirShabeelle ayaa maanta dood adag ka yeeshay, sida laga yeelayo 17 xildhibaan oo la sheegay in ay ka dhiman yihiin wali tirada guud ee baarlamaanka dowlad gobolleedka, sida ay noo sheegeen xubno ka mid ah xildhibaanada.

Dooda kuraastaas ayey ku kala qeybsameen xildhibaanadu, waxayna qaarkood soo jeediyeen in gabi ahaanba meesha laga saaro tirada xildhibaanadaas oo lagu sheegay in yihiin qoondada haweenka.

“Markii hore tirada xildhibaannada Hirshabeelle waxey ahaayeen 71-xubnood, waxaa lagu kordhiyay tiro dheeraad ah iyadoo xubno loogu daray inta aan laba beelood ka aheyn” ayuu yiri xildhibaan Geelle Isaaq oo ka mid ahaa xubnihii hadalka ka jeediyey kulanka baaralamaanka.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Taasi waxay ka dhigtahay tirada xildhibaannada 99-mudane,  xildhibaannada laga hadlayo ee 17-ka xubnood ah ee dhiman waxaa iska leh labada beellood ee soo hartay, shaqsiga ku dooddaya in gabi- ahaanba meesha laga saaro tiradan ka dhiman baarlamaanka waa shaqsi heysta wax uusan xaq u laheyn.”

Waxaa khudbada ka soo dhax-galay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Siraaji Sheekh Isaaq oo ka hadlay xildhibaan Geelle in uusan hadal jeedintiisa shaqsiyaad iyo beello Soomaaliyeed waxba ugu dhimin.

Qoddobkan laga doodday ayaa qeyb ka ah xiisada ka taaggan magaalada Beledweyne oo salka ku heysa habka awood qeybsiga maamulka ee beelaha qaar, waxaana jirta in beelaha qaar ay baarlamaanka u arkaan mid aan isku dheeli tirneyn.