Ciidamada Danab oo G/Bay ka fuliyey howlgal lagu soo qabtay xubno Shabaab ah

6

Ciidamada Guutada 16-aad ee Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka  sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Bay, gaar ahaan goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Deegaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ay kala yihiin, Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn iyo Yaq-Doomaar, kuwaas oo dhamaantood hoos taga degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.

Saraakiisha DANAB ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay burburiyeen xarumo ay Al-Shabaab ku la haayeen degaannada ay ciidamadu howlgalkaas ka fuliyeen.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab, mootooyin ay isticmaali jireen iyo agab ciidan, kadib markii ay isaga baxeen degaannada howlgalka laga sameeyay.