Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha madaxweynaha Soomaaliya ahna Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa Ciidamada Booliska Soomaaliya ugu hambalyeeyay sanadguurada 77-aad ee ka soo wareegatay aas aaskooda , taas oo ku beegan maanta 20-ka December.
Guddoomiye Mursal ayaa waxa uu ku bogaadiyay doorka wanaagsan ee Ciidmada Booliiska Soomaaliyeed ka qaadanayaan sugida amniga guud ee dalka.
Gebi ahaanba qaybnaha kala duwan ee ay ka booban yihiin Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed sida Taliyeyaasha, Taliye Xigeennada, iyo guud ahaan qaybaha ay ka kooban yihiin ugu hambalyeeyay maalinta weyn ee u gaarka .
Sanadkii 1943 maanta oo kale ayaa la aas aasay Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, sanad walba maanta oo kale ayaa waxaa laga xusa qaybo ka mid ah dalka.