Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xukuumadda cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib kulan ka dhacay xarunta Golaha ee magaalada Dhuusamareeb.
Kulanka 6-aad ee Kalfadhiga 1-aad uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Mudane Xuseen Maxamed Nuur, oo ay wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Mursal Cabdi Aadan. Ajandaha kulanka ayaa ahaa ansixinta Xukuumadda cusub ee Galmudug.
Hoggaamiyaha Dowladda Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo kulanka ka horjeediyey khudbad uu ku faahfaahiyey qorshaha iyo jihada siyaasadeed ee Xukuumadda cusub, ayaa Golaha u soo bandhigay barnaamijka shaqo ee Xukuumaddiisa, isaga oo sidoo kale ka codsaday xildhibaannada inay siiyaan codka kalsoonida si ay u gudato waajibaadka loo igmaday.
Kaddib soo bandhigidda qorshaha Xukuumadda iyo doodda Golaha, Guddoomiyaha Golaha ayaa cod u qaaday Xukuumadda cusub, waxaana natiijada codbixinta ku dhawaaqay Guddoomiyaha, isaga oo xaqiijiyey in Xukuumadda lagu ansixiyey cod aqlabiyad ah.
Ansixinta Xukuumadda cusub ayaa dhammaystiraysa marxalad muhiim ah oo ka mid ah hannaanka dhismaha hay’adaha Dowladda Galmudug, iyadoo Xukuumadda u suuragelinaysa inay si rasmi ah u bilowdo gudashada waajibaadkeeda dastuuriga ah iyo hirgelinta qorshayaasha ay Golaha u soo bandhigtay.











