Baarlamaanka Puntland ayaa ku guuldarreystay inuu ansixiyo wax-ka-beddelka Dastuurka Puntland, kaas oo saldhig u noqon lahaa qabashada doorasho qof iyo cod ah sanadka 2029-ka, iyadoo 40 xildhibaan ay diideen in wax-ka-beddelkaasi la meel mariyo.
Fadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa xaadiray 52 mudane oo ka tirsan 66-da xildhibaan, waxaana ansixinta wax-ka-beddelka loo baahnaa ugu yaraan 44 cod.
Diidmada wax-ka-beddelkan ayaa caqabad ku noqonaysa qorshaha maamulka Puntland ee ahaa in doorashada 2029-ka lagu galo hannaan qof iyo cod ah, kaas oo shacabka si toos ah ugu soo dooran lahaayeen xubnaha Golaha Wakiillada.
Dhanka kale, wararka laga helayo doodda siyaasadeed ee Puntland ayaa sheegaya in khilaafku uu salka ku hayo hannaanka loo marayo doorashada, iyadoo ay jiraan dhinacyo weli doonaya in doorashada lagu saleeyo saxiixyada odayaasha dhaqanka iyo habraacyo kale oo siyaasadeed.
Go’aanka Baarlamaanka ayaa arrinta doorashada Puntland ee 2029-ka gelinaya marxalad cusub, waxaana la filayaa in wax-ka-beddelka dastuurka dib loogu soo celiyo fadhi dambe si looga sii doodo.
Dhanka kale Siyaasi Guleed Saalax ayaa war ka soo saaray Go’aanka ka soo baxay BaarlamaankaPuntland”Waxaan soo dhoweynayaa go’aanka maanta ee Golaha Wakiillada Puntland uu dib ugu celiyey wax-ka-beddelka Dastuurka, kaas oo aan loo marin habraacii sharci ee loo baahnaa.
Waa markii labaad ee si aan waafaqsanayn sharciga loo furayo Dastuurka Puntland, arrintaas oo dhaawacaysa hannaanka sharci iyo nidaamka dowladnimo.
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xildhibaanadii diiday, kana horyimid tallaabadan sharci-darrada ah, iyagoo difaacaya Dastuurka iyo sarraynta sharciga.
Sixitaanka lagu samaynayo Dastuurka waa inuu ku yimaadaa hannaan sharci ah oo waafaqsan Dastuurka, kana tarjumaya rabitaanka iyo maslaxadda shacabka Puntland, waa in aan lagu salayn dano gaar ah oo ay riixayso Xukuumadda hadda jirta.











