Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay waxa ay ku tilmaantay hab-dhaqan colaadeed iyo tallaabooyin sii hurinaya xiisadda oo ay sheegtay in dowladda Soomaaliya kula kacday, iyadoo ku eedeysay inay wiiqayaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in go’aannada saameynaya xiriirka dalalka ay tahay inay ku saleysnaadaan danaha wadajirka ah, kana fogaadaan tixgelinno siyaasadeed iyo khilaafaad gudaha ah.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay ka xun tahay isku dayga dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso inay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka ku soo darto xiriirka labada dowladood, taas oo ay sheegtay inay saameyn ku yeelan karto danaha labada shacab.
Imaaraadka ayaa sidoo kale xusay in uu bishii Janaayo ee sannadkan xiray safaaraddiisa Muqdisho, isla markaana uu dalka kala baxay diblomaasiyiintiisii, isagoo tallaabadaas ku sababeeyay waxa uu ku tilmaamay dhaqammo cadaawadeed oo dowladda Soomaaliya kula kacday safaaradda iyo siyaasadaha Imaaraadka, oo ay ku jirto go’aankii Soomaaliya ay ku baabi’isay heshiisyadii laba geesoodka ahaa ee labada dal.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa sheegtay inay weli qiimeyn weyn u hayso shacabka Soomaaliyeed, ayna ku faanayso xiriirka taariikhiga ah iyo xusuusta wadajirka ah ee labada shacab.
Waxay intaas ku dartay in Imaaraadku ay ka go’an tahay ilaalinta iyo xoojinta xiriirkaas, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Imaaraadka iyo dadka Soomaaliyeed ee booqda dalkaas.
Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraat-ka ayaa gaaray meesha ugu xumayd dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Waa markii labaad oo ay Soomaaliya ku dhaqaaqdo go’aan dalka looga saarayo diblumaasiyiinta Imaaraatka. Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa sidaan oo kale sameysay markii Imaaraatka lagu eedeeyay inuu faragalin ku hayo Soomaaliya arrimaheeda gudaha.











