Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa ka hortimid hannaanka loo marayo dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka, iyadoo sheegtay in habka loo wajahayo arrintan aanu waafaqsanayn sharciga iyo heshiisyada nidaamka federaalka Soomaaliya.
Jubaland ayaa ku doodday in dhismaha hay’adaha maaliyadeed ee heer qaran, gaar ahaan kuwa la xiriira maamulka iyo qeybinta dakhliga, uu yahay arrin u baahan wada-shaqeyn iyo heshiis dhex mara Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in dowladdu ay ku fashilantay hirgelinta hannaankii dib-u-habaynta maaliyadda Soomaaliya, kaas oo ay xustay inuu waqti, khibrad iyo dhaqaale badan gelisay bahwadaagta caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.
Ugu dambeyn, Jubaland waxay sheegtay inay weli ka go’an tahay wada-shaqeynta dhinacyada maaliyadda ee Dowladda Federaalka, balse ay ku adkeysanayso in dib loo laabto wada-tashiga, lana gaaro heshiis is-afgarad iyo wada-ogolaansho ku dhisan, si loo ilaaliyo hufnaanta maamulka iyo qeybinta dakhliga dalka.












