Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan la siiyay in ay noqoto caasimadda dowlad-goboleedka Hirshabeelle, isaga oo xusay in dadka gobolka Hiiraan ay muddo dheer tabasho ka qabeen halka ay ku taallo xarunta maamulka.
“Walaalaha reer Hiiraan, caasimadda waxaan leenahay waa la idin siiyey, laakiin waxa la idinka rabaa in caasimadda ay noqoto meel la dego, lagu nagaado, laguna shaqeeyo, oo qofku ku dareemo amni iyo xasillooni,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta ka qeyb galayay caleemo saarka madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe.
Madaxweynaha ayaa sheegay in gobolka Hiiraan uu yahay deegaan muhiim u ah Hirshabeelle, maadaama inta badan bulshada maamulkaas ay halkaas deggan yihiin, sidaas darteedna ay mudan tahay in codkooda iyo rabitaankooda la tixgeliyo.
“Ma jirto cid diidan in caasimadda Hirshabeelle ay noqoto magaalo ka tirsan gobolka Hiiraan, balse go’aanka kama dambaysta ah waxaa leh maamulka Hirshabeell,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Xasan Sheekh ayaa dib u xusuusiyay in markii hore magaalada Buulo Burte loo asteeyay caasimadda Hirshabeelle, balse qorshahaasi aanu hirgelin, kaddibna go’aankii dambe lagu go’aamiyay in caasimaddu noqoto magaalada Jowhar, halkaas oo maamulka uu muddo toban sano ah ka shaqeynayay.
Waxa uu sheegay in aanay jirin wax diidaya in caasimadda Hirshabeelle ay noqoto magaalo ku taalla gobolka Hiiraan, isaga oo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la helo heshiis iyo is-afgarad ay bulshada iyo hoggaanka maamulka ku wada qanacsan yihiin.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in caasimaddu u baahan tahay amni, xasillooni iyo deegaan ay madaxda iyo hay’adaha dowladdu si nabad ah uga wada shaqeyn karaan, isaga oo tilmaamay in go’aanka kama dambaysta ah ee arrintan uu leeyahay maamulka Hirshabeelle.
Waxa uu ballanqaaday in dowladda federaalku ay taageeri doonto dadaallada lagu xallinayo tabashooyinka ka jira Hirshabeelle, isla markaana ay ka qayb qaadan doonto wadahadallada lagu gaarayo heshiis ay dhinacyadu wada aqbalaan.











