Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug oo shir amni la yeeshay saraakiisha ciidamada

5

Taliyaha Qaybta Guud ee Ciidanka Booliska Galmudug, Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin, ayaa ka qaybgalay shir looga hadlay xaaladda amniga Galmudug, kaas oo uu maanta guddoomiyey Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Galmudug, Liibaan Axmed Xasan.

Shirka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Hoggaamiye Ku-xigeenka Galmudug, Cabdiweli Ibraahim Garyare, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Kaniif, iyo saraakiil amni oo ka kala socday heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Intii uu shirku socday, Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug ayaa saraakiisha amniga ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga deegaannada Galmudug iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, adkeynta nabadgelyada iyo dardargelinta hawlgallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ee deegaannada Galmudug