Xildhibaan Ilhan Omar oo heshay dhaqaale badan kadib baaritaan lagu sameeyay gurigeeda

0

Xildhibaan Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa heshay in ka badan 1.5 milyan oo dollar maalintii baaritaanka gurigeeda iyo maalintii xigtay, sida lagu sheegay falanqayn uu sameeyay wargeyska The Washington Post.

Xogta guddiga doorashooyinka federaalka Mareykanka ayaa muujisay in Ilhan Omar ay labadii toddobaad ee ugu horreeyay bishii Oktoobar ururisay ku dhowaad 1.9 milyan oo dollar oo loogu talagalay ololaheeda siyaasadeed.

Xildhibaannadda ayaa 12-kii Oktoobar, oo ahayd maalintii gurigeeda la baaray, ururisay 847,000 oo dollar, taas oo noqotay lacagtii ugu badnayd ee ay hal maalin ku hesho ololaha doorashada ee labadii sano ee ugu dambeysay. Maalintii xigtay ayay ururisay 665,000 oo dollar oo kale.

Ilaa hadda, Ilhan waxay ololaheeda doorasho ee muddada labada sano ah ku ururisay in ka badan 8 milyan oo dollar.

Hay’adda Baarista Amniga Gudaha Mareykanka (Homeland Security Investigations) ayaa fulisay baaritaanka guriga, kaas oo qayb ka ah baaritaan federaal ah oo lagu eegayo in Ilhan Omar ama aabbaheed ay been ka sheegeen dukumentiyada socdaalka ee la gudbiyay kadib markii qoyskoodu Mareykanka yimid sagaashamaadkii.

Ilhan Omar ayaa 12 jir ahayd markii ay qoyskeedu yimaadeen Mareykanka, halka aabbaheed uu markii dambe geeriyooday. Waxay marar badan beenisay inay wax khalad ah ka gashay dukumentiyada socdaalka, iyadoo baaritaanka ku tilmaantay isku day lagu cabsi-gelinayo sababo siyaasadeed.

Xildhibaannaddu waxay taageerayaasheeda ka codsanaysay inay dhaqaale ugu deeqaan si ay isaga bixiso kharashaadka sharciga ee ka dhashay kiiska.

“Waxay noqon doontaa waqti aad qaali u ah oo caqabado badan leh,” ayay ku sheegtay muuqaal ay Talaadadii ku baahisay baraha bulshada.