Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay soo afjaridda hawlgalka UNTMIS

0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda Qaramada Midoobay, kaas oo looga hadlay soo afjaridda hawlgalka Kaalmada Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Kulanka oo ka dhacay xafiiska wasiirka ayaa waxaa wafdiga Qaramada Midoobay hoggaaminaysay Nasrin Khan, oo ah madaxa waaxda ku shaqada leh ku dhaqanka sharciga iyo hay’adaha amniga ee UNTMIS, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Kulankan sagootinta ah ayaa diiradda lagu saaray dhammaadka hawlgalka UNTMIS iyo taageeradii uu siinayay hay’adaha caddaaladda iyo adeegyada asluubta ee Soomaaliya.

Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyay taageeradii ay siisay hay’adaha caddaaladda, gaar ahaan dhismaha awoodda hay’adaha, diyaarinta sharciyada iyo siyaasadaha, iyo dib-u-habaynta adeegyada asluubta.

Wasiirka ayaa sheegay in hay’adaha caddaaladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan dadaallada lagu xoojinayo nidaamka caddaaladda iyo adeegyada asluubta, iyaga oo ka duulaya horumarkii la gaaray intii uu socday hawlgalka UNTMIS.