Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyey Taariikhaha Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya

1

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyey taariikhaha la qorsheeyey in la qabto doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo tan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sida ku cad jadwalka uu guddigu soo saaray, doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 15-ka Abriil 2027, halka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya loo asteeyey 15-ka May 2027.

Guddigu wuxuu sheegay in go’aankan uu ku saleysan yahay waajibaadkiisa dastuuriga ah, gaar ahaan Qodobka 56-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qodobka 18-aad, faqraddiisa labaad, ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyey jadwalka hawlaha muhiimka u ah diyaarinta doorashooyinka, kuwaas oo ay ka mid yihiin diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha, soo gudbinta liisaska musharraxiinta iyo diyaarinta liisaska codbixiyeyaasha.

Jadwalka hawlaha doorashooyinka

  • 1-da ilaa 22-ka Nofeembar 2026: Dib-u-furista diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha muddo 21 maalmood ah.
  • 22-ka Nofeembar 2026: Xilliga kama dambaysta ah ee la soo gudbinayo liisaska musharraxiinta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
  • 21-ka Janaayo 2027: Soo saarista liiska ku-meelgaarka ah ee codbixiyeyaasha.
  • 27-ka Febraayo 2027: Bilowga ololaha doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
  • 15-ka Maarso 2027: Soo saarista liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha.
  • 15-ka Abriil 2027: Doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
  • 15-ka May 2027: Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in hawlahaas loo qorsheeyey si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka ee dalka, isagoo xusay in dib-u-furista diiwaangelinta ay ujeeddadeedu tahay xaqiijinta ka-qaybgal bulsho oo ballaaran.

Shaacinta jadwalkan ayaa qeexaysa taariikhaha ay tahay in lagu saleeyo diyaar-garowga doorashooyinka, iyadoo hawlaha xiga ay ku xiran yihiin fulinta jadwalka iyo habraacyada sharciga ee khuseeya.May be an image of ticket stub and textMay be an image of text