Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in Xuutiyiinta Yemen ay joogitaan ka sameystaan waqooyiga Soomaaliya, iyagoo xiriir la yeelanaya maleeshiyaadka Al-Shabaab, arrintaas oo sare u qaadi karta khatarta amni ee gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Gacanka Cadmeed.
Warbixin uu 9-kii Oktoobar 2026 baahiyay wargeyska ciidamada Mareykanka ee Stars and Stripes ayaa lagu sheegay in saraakiisha Mareykanku ka walaacsan yihiin in dagaalyahanno ama wakiillo ka socda Xuutiyiinta ay horeba uga joogaan qaybo ka mid ah waqooyiga Soomaaliya, iyagoo garab ka helaya maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sarkaal ka tirsan AFRICOM oo warbaahinta la hadlay isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in iskaashiga suuragalka ah ee labada dhinac uu Al-Shabaab siin karo awood dheeraad ah oo ay khatar ugu abuuri karto ciidamada Mareykanka iyo danahooda Bariga Afrika.
Walaaca ugu weyn ee Mareykanka ayaa ah in xiriirkaasi uu Al-Shabaab u sahli karo inay hesho hub casri ah, tababar iyo aqoon farsamo oo la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas oo kordhin karta awoodda weerarrada kooxda.
Sidoo kale, joogitaan ay Xuutiyiintu ka helaan gudaha Soomaaliya ayaa saamayn ku yeelan kara amniga Gacanka Cadmeed, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta ganacsiga ee isku xira Badda Cas, Badweynta Hindiya iyo suuqyada caalamka.
Arrintan ayaa sidoo kale walaac ku abuureysa Mareykanka, maadaama saldhigga Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti uu yahay xarun muhiim u ah hawlgallada ciidamada Mareykanka ee Bariga Afrika.
Jeneraal Michael Langley, oo hore u soo noqday taliyaha AFRICOM, ayaa sannadkii hore Congress-ka Mareykanka u sheegay in Xuutiyiintu awood u leeyihiin inay weeraraan xarumaha ciidamada Mareykanka ee Jabuuti haddii ay go’aansadaan inay sii ballaariyaan iska horimaadkooda Washington.











