Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in ku dhowaad 600 xarumood oo caafimaad oo dalka ka howlgala ay halis ugu jireen inay xirmaan, sababo la xiriira hoos u dhac ku yimid maalgelintii caafimaadka.
Wasiirka ayaa sheegay in xarumahaasi ay ku tiirsanaayeen maalgelin dibadda ah, taas oo uu sheegay inay si weyn hoos ugu dhacday, taasoo cadaadis saartay sii socoshada adeegyada caafimaad ee dalka.
“Sanadkan, 600 xarumood oo xirmi lahaa ayaan u raadinay fund, waxaana ku guuleysanay in la helo maalgelin lagu sii wado ilaa December,” ayuu yiri Cali Xaaji Aadan.
Wuxuu sheegay in caafimaadka Soomaaliya uu si weyn ugu tiirsanaa taageerada deeq-bixiyeyaasha, xilli dakhliga gudaha dalka qayb weyn oo ka mid ah loo adeegsado amniga.
“Hoos u dhaca ku yimid maalgalinta wuxuu aad u saameeyay sector-ka caafimaadka,” ayuu yiri wasiirku.
Cali Xaaji ayaa sheegay in wasaaraddu ay dadaal ugu jirto sidii xarumaha caafimaad ee halista ugu jira inay xirmaan loo heli lahaa maalgelin sii joogteysa adeegyada ay bulshada siiyaan.
Hoos u dhaca maalgelinta ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay weli wajahdo baahiyo caafimaad oo ballaaran, gaar ahaan adeegyada hooyada iyo dhallaanka iyo helitaanka adeegyada caafimaadka ee deegaannada ka fog magaalooyinka waaweyn.
Wasiirka ayaa sheegay in, inkastoo caqabadaha maalgelintu jiraan, ay wasaaraddu sannadihii u dambeeyay sheegtay inay horumar ka samaysay adeegyada caafimaadka.
Waxa uu sheegay in heerka tallaalka uu ka kordhay qiyaastii 40 boqolkiiba markii uu xilka qabtay ilaa in ka badan 70 boqolkiiba, halka baahinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah ay ka soo kacday 42 boqolkiiba ilaa in ka badan 65 boqolkiiba.
Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in dhimashada hooyada ay hoos uga dhacday 692 ilaa 563 hooyo halkii 100,000 oo dhalmo ah, hase yeeshee uu qiray in heerkaas aanu weli ahayn meesha Soomaaliya doonayso inay gaarto.











