Mas’uul ka tirsan ICRC oo ka badbaaday isku-day dil oo ka dhacay degmada Baardheere

7

Baardheer,Gedo-Axmed Maxamed Cali, oo ah sarkaal u qaabilsan dhanka amniga dhaqaalaha (Economic Security Field Officer) hay’adda ICRC-da ee gobolka Gedo, ayaa ka badbaaday isku-day dil oo lala beegsaday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Kurmaan ee degmada Baardheere.

Koox hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday guriga Axmed Maxamed Cali -abaare 9:00-kii fiidnimo ee taariikhdu ahayd 5-tii Sebtembar, 2026.

Kooxda weerarka soo qaadday ayaa rasaas xooggan ku furay guriga xilli uu Axmed Maxamed Cali gudaha kula jiray xaaskiisa, carruurtiisa, iyo mid ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Dad goob-joogayaal ah, ehelkiisa, iyo deriskiisa ayaa u sheegay Raadiyaha Markabley ee Baardheere in Axmed Maxamed Cali uu ka badbaaday weerarka, isla markaana uu ku guuleystay inuu goobta lug uga baxsado.

Waxaa la soo sheegayaa in laba qof oo deris la ah ay ku dhaawacmeen is-rasaaseynta dhexmartay labada dhinac, kuwaas oo loo qaaday Isbitaalka Degmada Baardheere si loogu daweeyo.

Axmed Maxamed Cali, oo ay la xiriirtay Raadiyaha Markabley, ayaa xaqiijiyay inuu badqabo, wuxuuna sheegay in gurigiisa lagu weeraray rasaas xooggan intii uu weerarku socday.

Weerarkan ayaa cabsi iyo walaac ku abuuray dadka ku nool Baardheere, gaar ahaan maadaama Axmed Maxamed Cali uu muddo ku dhow sagaal sano ka shaqeynayay arrimaha gargaarka bini’aadamnimo ee gobolka.

Wuxuu horey ula soo shaqeeyay hay’adda Save the Children, isagoo afar sano ka soo shaqeeyay xafiiska hay’addaas ee magaalada Caabudwaaq, wuxuuna shantii sano ee la soo dhaafay la shaqeynayay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ee howlaha gargaarka bini’aadamnimo ee gobolka Gedo.

Dhacdadan ayaa dib u soo celisay walaaca laga qabo amniga iyo badqabka shaqaalaha gargaarka iyo hay’adaha samafalka ee ka howlgala gobolka Gedo, halkaas oo shaqaalaha gargaarku ay weli sii wadaan bixinta caawimaadda ay u baahan yihiin bulshooyinka nugul.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu muddo ku dhow sannad helayay hanjabaado dil oo uga imaanayay kooxda Al-Shabaab, iyadoo kooxdu ay ku eedeynaysay Axmed inuu yahay basaas ama xog-ururiye u shaqeeya dowladda Soomaaliya, dowladaha shisheeye, ciidamada caalamiga ah, iyo hay’adaha sirdoonka reer galbeedka.

Eedeymahaas ayaa si gaar ah ula xiriiray bixinta xog la sheegay inay ka caawiso ciidamada shisheeye inay bartilmaameedsadaan goobaha Al-Shabaab ama ay duqeymo ka fuliyaan gobolka Gedo.

Radiyaha Markabley–Baardheere-Gedo-ka dhegayso Maalin iyo Habeen-88.8 MHz