Madaxa garsoorka Iran oo sheegay in dalkiisu doonayo inuu xiriirka Shiinaha ballaariyo

0

Gholamhossein Mohseni-Ejei, madaxa garsoorka Iran, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay si dhab ah u doonayso inay ballaariso xiriirka ay la leedahay Shiinaha.

Mohseni-Ejei ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Hindiya kula yeeshay madaxa maxkamadda sare ee Shiinaha, xilli uu halkaas u tegay ka qaybgalka shir ay leeyihiin madaxda hay’adaha garsoorka ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO).

“Waa go’aan sugan oo ka yimid Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran in la ballaariyo xiriirka ay la leedahay Shiinaha,” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dunidu ay u gudbayso nidaam cusub oo caalami ah, isla markaana Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ay door wax-ku-ool ah ka qaadanayso geeddi-socodkaas.

Sida uu sheegay Mohseni-Ejei, shirkii madaxda garsoorka ee Ururka Iskaashiga Shanghai ayaa sannadkii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto Iran, balse goobta shirku ka dhacayo ayaa la beddelay kadib dagaalkii u dhexeeyay Maraykanka iyo Israa’iil iyo Iran