Sarkaal ka tirsan ICRC ee Gobolka Gedo oo ka badbaaday isku day dil oo Baardheere ka dhacay.

22

Baardheere, Gedo: Axmed Maxamed Cali, oo ah Madaxa Hay’adda Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ee Gobolka Gedo, ayaa ka badbaaday isku day dil xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Kurmaan ee degmada Baardheere.

Koox dabley ah oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa abaare 9:00 habeenimo, taariikhduna ahayd 5-tii Sebtembar 2026, weerar toos ah ku qaaday guriga Axmed Maxamed Cali.

Dableyda ayaa guriga ku furay rasaas aad u badan, xilli uu Axmed Maxamed Cali guriga kula sugnaa xaaskiisa, carruurtiisa iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.

Sida ay Radio Markabley Baardheere u Xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah, ehelada iyo dadka deriska ah, Axmed Maxamed Cali ayaa ka badbaaday weerarka, isagoo goobta uga baxay cagihiisa. Hase yeeshee, laba qof oo ka mid ahaa dadka deriska ah ayaa dhaawac ka soo gaaray rasaastii la is-weydaarsaday, waxaana loo qaaday Isbitaalka Degmada Baardheere si loogu dabiibo.

Axmed Maxamed Cali oo aan la xiriirnay ayaa sheegay inuu nabad qabo, isla markaana gurigiisa lagu soo weeraray rasaas aad u badan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in muddo ku dhow hal sano ay soo gaareysay hanjabaado uu sheegay inay kaga imaanayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo sida uu sheegay ugu hanjabayay in la dili doono, uuna nabad ku noolaan doonin haddii uusan shaqada ka tagin.

Weerarkan ayaa argagax iyo walaac ku abuuray bulshada degmada Baardheere, maadaama Axmed Maxamed Cali uu muddo  9 sanno uu ka shaqeynayey , howlaha gargaarka bini’aadantinimo,Waxuuna u soo shaqeeyey Hay’adaha Samafalka sida Save the Children oo ilaa iyo 4 sanno oo uu u soo shaqeeyey Xafiiskeeda Magaalada Cabudwaaq iyo Hay’adda ICRC oo uu 5 tii Sanno ee u dambeeysey  uu kala shaqeynayey Arimaha Gargaarka ee Gobolka Gedo.

Dhacdadan ayaa sidoo kale walaac ka abuurtay amniga shaqaalaha iyo hay’adaha gargaarka bini’aadantinimo ee ka howlgala Gobolka Gedo.