Duqeyn ka dhacday Doolow oo lagu dhaawacay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya

0

 Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu beegsaday guriga uu degmadaas ka deganaa Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Shub.

Duqeynta ayaa la sheegay inay dhacday xalay abaare 11:40 habeenimo, iyadoo hal gantaal lagu weeraray hoyga General Shub. Ilo ku sugan Doolow oo la sheegay inay ku dhow yihiin goobta ayaa sheegay in gantaalku ku dhacay bannaanka ama barxadda guriga, halka General Shub uu ku sugnaa gudaha qayb dhagax ah oo ka mid ah guriga.

Sida laga soo xigtay ilahaas, General Mahad Cabdiraxmaan Shub ayaa ka badbaaday weerarka, balse waxaa soo gaaray dhaawac kooban isaga iyo dhowr qof oo xilligaas guriga la joogay.

General Shub ayaa markii dambe loo qaaday xarun caafimaad oo ku taalla Doolow, iyadoo wararku sheegayaan in qorshuhu yahay in loo gudbiyo dhinaca Doolow ee Itoobiya si loo helo daryeel caafimaad.

Ilaa hadda ma cadda cidda ka dambeysay duqeynta.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa cambaareeyay duqeynta, isagoo sheegay in haddii dowladda ay ku lug leedahay ay noqon karto tallaabo xeer-dhaaf ah oo khatar ku ah dowladnimada Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale ka digay in dhacdadan loo adeegsado sii hurinta colaadda siyaasadeed iyo kala fogaanshaha dhinacyada isku haya arrimaha siyaasadda dalka.

Dhankiisa, wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Aadan Aw Xirsi, ayaa sheegay in haddii la xaqiijiyo in duqeynta lagu qaaday guriga General Shub ay qorsheysay Villa Soomaaliya, isla markaana loo adeegsaday diyaarad ay leedahay dowlad shisheeye, ay taasi abuuri karto xaalad cusub oo khatar ah.

Aadan Aw Xirsi ayaa tusaale u soo qaatay suurtagalnimada in mustaqbalka maamul-goboleed Soomaaliyeed uu adeegsado diyaarad ay leedahay dowlad shisheeye si loo beegsado safaarad ku taalla Muqdisho ama goob ay degan yihiin dad Soomaaliyeed.