Soomaaliya iyo Liibiya ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda arrimaha la xiriira safarka iyo xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya, Arrintan ayaa lagu soo qaaday kulan magaalada New York ku dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Daahir Al-Baacuur, oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda uu hoggaamiyo Cabdul Xamiid Dbeibah.
Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay warbaahinta Facilitators for Talents and Leadership Somalia, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dhinac ay u xoojin lahaayeen wada-shaqaynta iyo isku-duwidda arrimaha khuseeya safarka iyo xaaladda Soomaalida ku nool Liibiya.
Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli jiraan walaacyo la xiriira xaaladda muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya, gaar ahaan kuwa lagu hayo xarumaha lagu xiro dadka tahriibayaasha ah.
Liibiya ayaa muddo dheer ahayd marin ay isticmaalaan kumannaan muhaajiriin ah oo isku dayaya inay gaaraan Yurub iyagoo ka gudbaya Badda Mediterranean-ka. Soomaalida ka midka ah dadka safarradaas gala ayaa inta badan wajahaya khataro ay ka mid yihiin xarig, xabsi iyo xaalado adag oo nololeed.
Warbixintu waxay sheegtay in sii-daynta dadka Soomaaliyeed ee la hayo iyo dib ugu celintooda dalkooda ay ka mid ahaayeen qodobbadii hore looga hadlay wadahadallada labada dhinac.
Si kastaba, waxaa weli jira caqabado ku saabsan xawaaraha dib-u-celinta dadka iyo wax ka qabashada sababaha dhalinyarada Soomaaliyeed ku riixaya inay maraan waddooyinka halista ah ee qaaradda Afrika.
Sidaas darteed Soomaaliya iyo Liibiya ayaa wajahaya baahi loo qabo in wada-shaqaynta diblomaasiyadeed lagu xoojiyo tallaabooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku xanniban ama ku jira xaalado nugul gudaha Liibiya.











