Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa warqad rasmi ah oo loo diray Qaramada Midoobay iyo dhinacyada caalamiga ah ku gudbiyay eedeymo uu sheegay inay la xiriiraan weerarro militari iyo tacaddiyo ka dhacay deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed.
Warqadda oo ku taariikheysan 26-ka Sebteembar 2026, ayaa loo diray Mareykanka, dhammaan safaaradaha iyo ergada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo kooxaha mucaaradka Soomaaliyeed.
Laftagareen ayaa warqadda ku sheegay in weerarrada ay ciidamada dowladda federaalka ka wadaan Koonfur Galbeed ay yihiin kuwo uu ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sidoo kale sheegay in weerarradaasi ay saameeyeen shacabka iyo dadka siyaasadda kasoo horjeeda dowladda.
Wuxuu sheegay in dabayaaqadii Maarso 2026 ay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka u dhaqaaqeen dhanka Baydhabo, kaddib heshiisyo uu sheegay in dowladda federaalku la gashay Al-Shabaab si ciidamada dowladda loogu fududeeyo socdaalka u dhexeeya Muqdisho iyo Baydhabo.
Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in hawlgallada militari ay muddo lix bilood ah ka socdeen Koonfur Galbeed, iyadoo Laftagareen uu ku eedeeyay dowladda federaalka inay adeegsatay diyaarado nooca Cessna ah oo duqeymo ka fuliyay tuulooyin ku dhow Baydhabo.
Deegaannada uu warqadda ku xusay waxaa ka mid ah Hartiagle, Ceel Doon, Ceel Ka Naho, Saaydhlelow iyo Sagara Gali, iyadoo lagu sheegay in duqeymahaasi ay waxyeello u geysteen dad rayid ah iyo xoolo.
Qayb kale oo ka mid ah warqadda ayaa lagu soo hadal qaaday weerar ka dhacay Doolow, kaas oo Laftagareen uu ku sheegay in diyaarad dagaal oo F-16 ah oo ay leedahay dowladda Turkiga ay weerartay Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Cabdi, oo loo yaqaan General Shub.
Laftagareen ayaa ku dooday in tallaabooyinkaasi aan loo fasiri karin oo keliya hawlgallo la xiriira la-dagaallanka argagixisada, balse uu sheegay inay saameyn ku yeesheen shacabka, maamulka Koonfur Galbeed iyo xasilloonida Soomaaliya.
5 qodob oo uu Laftagareen u gudbiyay beesha caalamka
Warqadda ayaa dowladda Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso ka dalbatay:
In si cad loo cambaareeyo waxa uu ku tilmaamay weerarrada Koonfur Galbeed iyo weerarrada ka dhanka ah shacabka iyo mucaaradka siyaasadeed.











