Shariif Sheekh Axmed: “Iska ma fiirsan karno iyadoo maalin walba Soomaali ay cad-cad u go’ayso”

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku baaqay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay isugu yimaadaan wadahadal lagu raadinayo heshiis siyaasadeed, isagoo ka digay in khilaafaadka jira ay saameyn ku yeelan karaan midnimada iyo dowladnimada dalka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajaheeyso caqabado dhinacyo badan leh, oo uu ku tilmaamay khilaaf siyaasadeed, amni iyo dastuur, xilli uu sheegay in aan weli heshiis laga gaarin jihada loo wajahayo doorashada iyo nidaamka siyaasadeed.

“Iska ma fiirsan karno iyadoo maalin walba Soomaali ay cad-cad u go’ayso. Gacanta ayaan idiinka qabanaynaa inta Soomaaliya burburi lahayd oo ay kala tagi lahayd,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed, Wuxuu sheegay in waqtigii loo qorsheeyay in nidaamka siyaasadeed uu isbeddel ku yimaado uu dhammaaday, isla markaana loo baahan yahay in la fariisto oo laga wada hadlo doorashada iyo qaabka looga gudbayo khilaafka.

Shariif ayaa sidoo kale xusay in kulamo hore oo u dhexeeyay mucaaradka iyo dowladda ay dhaceen labadii sano ee lasoo dhaafay, balse aysan, sida uu sheegay, kasoo bixin heshiis siyaasadeed.

Madaxweynihii hore ayaa ku dooday in xaaladda siyaasadeed ee hadda jirta ay u baahan tahay in dhinacyadu ka wada shaqeeyaan sidii loo heli lahaa hannaan la isku raacsan yahay, Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday xaaladda amni ee dalka, khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, iyo walaaca laga qabo saameynta ay khilaafaadyadaasi ku yeelan karaan midnimada Soomaaliya.

Isagoo si gaar ah uga hadlay xaaladda dhaqaale iyo nololeed ee shacabka, ayuu sheegay in tallaabooyinka dowladda qaarkood ay saameyn ku yeesheen dad danyar ah iyo ganacsato, wuxuuna ku baaqay in la dhowro hantida iyo xuquuqda shacabka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale farriin u diray ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, isagoo sheegay in jiritaanka hay’adaha dowladeed iyo shaqooyinkooda ay ku xiran yihiin jiritaanka qaran iyo dowladnimo, waxa uu su’aal geliyay muddada xilka dowladda, isagoo sheegay in haddii afartii sano ee loo qorsheeyay ay dhammaatay, loo baahan yahay in dhinacyadu ka wada hadlaan doorasho iyo kala-guur siyaasadeed.

“Dowladdan waxaa lagu doortay afar sano. Afar sano ma dhamatay mise ma dhammaan? Waa dhammaatay. Maxaa loo baahan yahay? Afartii sano ee ay dhammaatay in la fariisto, la wada hadlo, doorasho lagu heshiiyo oo la aado,” ayuu yiri.