Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka oo wasiirrada Gaashaandhigga iyo Maaliyadda ka dalbaday jawaab ku saabsan jarista xuquuqda ciidamada

4

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dalbaday in si degdeg ah loo caddeeyo sababta loo jaray xuquuqda dhaqaale ee qaar ka mid ah ciidamada iyo qoysaska askarta ku dhintay dagaallada dalka.

Xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac (Buux), oo ka tirsan guddiga, ayaa sheegay in xubnaha guddigu ay arrintan ka wada hadleen, isla markaana ay doonayaan in 24-ka saac ee soo socda jawaab uga helaan wasiirrada Gaashaandhigga iyo Maaliyadda.

Xildhibaanka ayaa sheegay in lacagaha loo qoondeeyay ciidamada ay ku jiraan miisaaniyadda dowladda oo la ansixiyay, isagoo su’aal geliyay sababta xuquuqda qaar ka mid ah ciidamada loo jarayo, iyadoo ay jiraan dhinacyo kale oo u baahan in dib-u-habeyn lagu sameeyo.

“Waxaan rabnaa inaan 24-ka saac ee soo socda jawaab degdeg ah ka helno wasiirka Gaashaandhigga iyo wasiirka Maaliyadda,” ayuu yiri Xildhibaan Buux.

Wuxuu sidoo kale sheegay in fariimo iyo sawirro laga soo diray qaar ka mid ah ciidamada ku sugan Jubbaland ay muujinayaan in askar lagu wargeliyay in mushaharkooda laga jaray lacag dhan 100 doolar.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in arrintan loo baahan yahay in baarlamaanku wax ka weydiiyo wasiirrada iyo taliyeyaasha ay khuseyso, si loo helo caddeyn ku saabsan sababta iyo habka loo sameeyay jarista.

Isagoo si gaar ah uga hadlay qoysaska askarta ku dhimatay dagaallada, ayuu sheegay in aan la aqbali karin in laga jaro xuquuqda qoysaska ciidamada naftooda ku waayay difaaca dalka.

“Shuhadadii u shahiiday Qaranka in agoontooda xuquuqda laga jaro waa wax laga xumaado,” ayuu yiri.

Xildhibaan Buux ayaa intaas ku daray in baarlamaanku uu mas’uuliyadda ka saaran tahay inuu arrintan daba galo, isla markaana uu u yeeri doono mas’uul kasta oo ay khuseyso.