Mareykanka oo mar kale duldhigay $5 milyan xogta haweeney Soomaali oo ka tirsan Daacish

3

Mareykanka ayaa mar kale dib u shaacisay abaalmarin lacageed oo dhan $5 milyan oo lagu bixinayo ciddii keenta xog horseedi karta in la helo Khadra Ciise, oo sidoo kale loo yaqaan Umm Qaqa al-Somali, taas oo Mareykanku ku tilmaamay madaxa macallimiinta shareecada ee kooxda ISIS.

Barnaamijka Rewards for Justice ayaa sheegay in Khadra ciise oo ku dhalatay Soomaaliya balse ah muwaadinad Dutch ah, ay sannadkii 2014 u safartay Suuriya si ay ugu biirto ISIS.

Waxaa la sheegay in lagu tababaray adeegsiga hubka iyo walxaha qarxa iyo sidoo kale howlgallada ismiidaaminta. Mareykanku wuxuu sheegay inay si joogto ah u taageertay adeegsiga rabshadaha, ayna dhiirrigelisay xubno kale oo ISIS ka tirsan inay weerarro ka fuliyaan dalal kala duwan.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in Khadra ay dadka ku baraysay fikirka xagjirka ah ee ISIS, kaas oo marmarsiiyo uga dhigayay weerarrada ismiidaaminta iyo dilka dadka rayidka ah, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay inay xubno cusub u qortay kooxda.

Haweenaydan ayaa ahayd madaxa Nusaybah Katibah (ISIS-NK), oo ah guuto ISIS ah oo haween keliya ka kooban, laguna dhisay magaalada Raqqah ee Suuriya sannadkii 2016.

Guutada ayaa haweenka u qori jirtay, abaabuli jirtay, kuna tababari jirtay xirfadaha dagaalka iyo kuwa milatari. Mareykanku wuxuu sheegay in xilligii ay ugu xoogga badneyd ay lahayd boqolaal xubnood oo tababaran, oo ay ku jireen muwaadiniin Mareykan iyo Yurub ah.

Inkasta oo awoodda ISIS-NK ay hoos u dhacday kaddib markii ISIS laga adkaaday dhulalkii ay maamuli jirtay, Mareykanku wuxuu sheegay in kooxdu weli firfircoon tahay oo ay khatar sii tahay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in haweeynaydan, intii ay hoggaaminaysay qayb ka tirsan ISIS-NK, ay door ku lahayd fulinta sharciyada ay kooxda ugu yeertay shareecada, gaar ahaan kuwa lagu xakameynayay haweenka.

Waxaa lagu eedeeyay inay bixisay amarro sababay ciqaab jireed oo loo geysto haweenka, oo ay ku jireen garaacis iyo xitaa dil.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay gacanta ku haysay carruur la afduubay, oo ay ku jireen laba walaalo ah oo Mareykan ah, Yusuf iyo Zahra Shikder.