Eritrea oo ka soo horjeesatay joogitaan milatari oo Israa’iil ka samaysato Somaliland

2

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Osman Saleh, ayaa sheegay in dalkiisu walaac ka qabo qorshe kasta oo Israa’iil ay joogitaan milatari ka samaysato Somaliland, isaga oo su’aal geliyey sababta ay Israa’iil u doonayso saldhig milatari oo ku yaalla Geeska Afrika.

Saleh oo wareysi gaar ah siiyey Middle East Eye (MEE) ayaa sheegay in Eritrea ay aragto isu-soo-dhawaansho sii kordhaya oo u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha Geeska Afrika. Wuxuu sheegay in labada dhinac ay hore ugu midoobeen danahooda Somaliland.

“Waxay hore ugu midoobeen Somaliland,” ayuu Saleh u sheegay MEE, isaga oo xusay in mas’uuliyiinta Somaliland ay si furan u muujiyeen xiisaha ay u qabaan joogitaan milatari oo Israa’iil ku yeelato Somaliland.

“Waa inaan isweydiinnaa sababta ay Israa’iil ugu ordayso inay gacanta ku dhigto Geeska Afrika? Maxay ugu baahan tahay saldhig Somaliland ku yaalla?” ayuu yidhi Saleh.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Eritrea ay hore u diidday joogitaanka safaaradda Israa’iil ee Asmara, isaga oo xusay in go’aankaasi aanu ka dhignayn in Eritrea ay colaad u qabto Israa’iil, balse ay ahayd doorasho siyaasadeed oo ay qaadatay.

“Waxaan go’aansannay inaanan doonayn safaaraddooda halkan. Annagu Israa’iil colaad uma qabno, laakiin waxaan go’aansannay inaanan ka doonayn wax xidhiidh ah,” ayuu Saleh yidhi.

Dhinaca kale, Saleh wuxuu si adag u dhaliilay joogitaanka Imaaraadka Carabta ee dekedaha gobolka, isaga oo ku eedeeyay Abu Dhabi inay Afrika ka waddo waxa uu ku tilmaamay “gumaysi dhinaca dekedaha ah”. Wuxuu sheegay in Imaaraadku uu dano ganacsi iyo kuwo milatari ku leeyahay meelo kala duwan oo gobolka ah, oo ay ku jirto Berbera.

“Waa maxay sababta Imaaraadku dekedo ugu leeyahay meel kasta oo gobolka ah?” ayuu Saleh yidhi, isaga oo su’aal geliyey in ujeeddadu tahay oo keliya dhaqaale.

Warbixinta MEE waxay xustay in shirkadaha Imaaraadka ee DP World iyo AD Ports ay dano ama maamul ku leeyihiin xarumo dekedood oo ku yaalla dalal iyo deegaano ka tirsan gobolka, oo ay Somaliland ka mid tahay. Imaaraadku, dhinaciisa, wuxuu hore u diiday eedeymaha sheegaya inuu Afrika ka wado qorshe “gumaysi” ah.