Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Hagar Dabageed, ayaa sheegay inuusan la shaqayn doonin Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) haddii uu mar kale ku guuleysto hoggaanka maamulka Hirshabeelle.
Wareysi uu bixiyay Dabageed ayuu ku sheegay inuusan iscasili doonin, balse uu diiday inuu la shaqeeyo Guudlaawe haddii uu mar kale noqdo madaxweynaha Hirshabeelle.
Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib markii xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) uu Guudlaawe u magacaabay musharraxa xisbiga ee doorashada madaxweynaha Hirshabeelle.
“Arrinta JSP iyo cidda la siiyay hadda nama qusayso. Ninkii bixiyay iyo ninkii la siiyay ayay quseysaa, laakiin annaga reer Hirshabeelle waxay ku tashadaan ayaan qayb ka nahay,” ayuu yiri Dabageed.
Dabageed ayaa sidoo kale sheegay in reer Hiiraan ay magaalada Beledweyne ku qaban doonaan gogol wadatashi oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay magacaabista Guudlaawe, isagoo sheegay in halkaas lagu gaari doono go’aan mideysan.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa dhinaca kale beeniyay wararka sheegaya in reer Hiiraan ay ka baxayaan maamulka Hirshabeelle, isagoo sheegay in ay qayb ka ahaan doonaan dhismaha Hirshabeelle, balse ay cabashadoodu tahay in la duudsiyay shantii sano ee ay sheegeen inay xaq u lahaayeen hoggaanka maamulka Hirshabeelle.











