Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa sheegay in falalka lagu gubayo calanka Turkiga ee Soomaaliya ay yihiin “ajande shisheeye” oo khatar ku ah xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo Turkiga.
Guddoomiye Jaamac oo ka hadlayay xiriirka labada dal ayaa sheegay inuu dhowaan arkay muuqaallo muujinaya calanka Turkiga oo lagu gubayo gudaha Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid aan ka tarjumayn ajandaha shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan aad uga xumaaday in waayadan dambe aan arkay calanka Turkiga oo lagu hayo ama lagu gubayo gudaha Soomaaliya. Ajandahaasna waxaan ognahay inuusan ahayn ajande Soomaali,” ayuu yiri Guddoomiye Jaamac, Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawacaya xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan xilli gobolka ay ka jiraan khataro iyo isbeddello amni iyo siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara dalalka gobolka.
Guddoomiyaha ayaa xusay kaalinta Turkigu ku lahaa Soomaaliya xilliyadii ay dalka ka jireen xaaladaha adag, isagoo sheegay in shacabka iyo dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka taageereen dhinacyada bani’aadannimada, horumarinta, amniga iyo dhaqaalaha.
“Waa in la xusuustaa walaalaheen Turkiga oo xilligii aan aadka ugu baahnayn garab iyo taageero nala soo istaagay. Qaar badan ayaa naftooda iyo maalkooda u huray Soomaaliya, qaarna dhaawacyo ayay ku muteysteen,” ayuu yiri.
Jaamac ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uusan ku koobnayn dowlad ama xukuumad gaar ah, balse uu yahay xiriir ka dhexeeya labada shacab, kaas oo soo maray marxalado kala duwan iyo dowlado isbeddelay, Wuxuu sheegay in dhowr xukuumadood oo Soomaaliya soo maray ay ilaalinayeen xiriirka labada dal, taasina ay muujinayso in xiriirku yahay mid ka ballaaran danaha siyaasadeed ee xukuumad gaar ah.
“Xiriirkani ma aha xiriir siyaasiyiin iyo diblomaasiyiin oo keliya ka dhexeeya. Waa xiriir ka dhexeeya shacabka labada dal oo heer walba gaarsiisan,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya aan lagu darin xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo sheegay in arrimaha gudaha lagu xallin karo wada-hadal iyo is-afgarad dhex mara Soomaalida, “Waxaan rabnaa in laga dheeraado ajandayaasha shisheeye ee dibadda ka imanaya ee isku dayaya inay dhaawacaan xiriirka labada dal,” ayuu yiri.











