Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay soo laba-kacleynta burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo ku baaqday iskaashi caalami ah oo lagu sii daayo badmaaxiinta la haysto laguna burburiyo shabakadaha burcad-badeedda.
Dowladdu waxay sheegtay in ciidamada Soomaaliyeed ay howlgallo ka wadaan badda iyo dhulka, iyadoo tusaale u soo qaadatay howlgalkii lagu soo furtay markabka MV Lutuf 29-kii Agoosto.
Laba Qodob ayaa meesha ku jirta in dowladu ay kaashan rabto dalal dagaal la gala burcada iyo in ay diidantahay in dhaqaale ama taageero maamulada laga siiyo la dagaalanka burcada.
Soomaaliya oo xubin ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay arrinta burcad-badeedda horgeyn doonto Golaha Ammaanka, iyadoo sidoo kale la shaqeyn doonta saaxiibbadeeda caalamiga ah, kuwa gobolka iyo kuwa laba geesoodka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegtay inaysan oggolaan doonin in biyaha Soomaaliya ay noqdaan meel ay ku dhuuntaan ama ku badbaadaan kooxaha ka ganacsada dambiyada badda.











