Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay odeyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee odeyaasha dhaqanka ay ka qaadanayaan qabsoomidda gogosha dib-u-heshiisiinta, nabadaynta iyo xoojinta wadajirka bulshada reer Koonfur Galbeed.
Odeyaasha dhaqanka ayaa dhankooda Hoggaamiyaha la wadaagay aragtiyo iyo talooyin ku aaddan sidii loo dardargelin lahaa geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada, loona xoojin lahaa nabadda iyo wadajirka dadka reer Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa Hoggaamiyaha kala qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed.












