Xildhibaan Fethi Mahdi, oo ah ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Xidhiidhka Dibadda iyo Arrimaha Nabadda ee Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya, ayaa sheegay in doonista Itoobiya ee helitaanka marin-badeed ayna ku koobnayn baahi dhinaca gaadiidka iyo ganacsiga ah, balse ay tahay arrin dhaqaale, sharci iyo taariikhi ah.
Fethi ayaa sheegay in daraasado ay sameeyeen Qaramada Midoobay ay muujinayaan in dalalka aan bad lahayn ay lumin karaan ilaa 25% wax-soo-saarkooda gudaha marka loo eego dalalka leh marin toos ah oo badeed. Waxa uu sheegay in ku dhawaad 95% badeecadaha Itoobiya laga soo dejiyo ama loo dhoofiyo ay hadda maraan hal deked, taas oo uu sheegay inay dalka ku kacdo kharash gaadhaya ilaa 2 bilyan oo dollar sannadkii oo adeegyada dekedaha ah.
Sida uu xildhibaanku sheegay, kharashkaasi wuxuu sare u qaadaa sicir-bararka, wuxuu caqabad ku noqdaa dhoofinta, sidoo kalena wuxuu xaddidaa abuurista fursadaha shaqo.
Fethi ayaa sidoo kale doodda Itoobiya ku saleeyay taariikh, isaga oo xusay xidhiidhka Itoobiya ay la lahayd Badda Cas xilligii boqortooyadii Aksum, gaar ahaan dekedii qadiimiga ahayd ee Adulis.
Waxa uu ku dooday in Itoobiya ay si taariikhi ah u lahayd xidhiidh badeed oo ay la lahayd Badda Cas, isaga oo sheegay in marin-badeedka dalka laga qaaday iyadoo aan loo marin hannaan sharci ah.
Dhinaca sharciga caalamiga ah, xildhibaanku wuxuu tixraacay Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS), kaas oo dhigaya qodobo la xidhiidha xaqa dalalka aan bad lahayn ay u leeyihiin inay helaan marin ay uga baxaan ama ugu soo gudbaan badda.
Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday Bayaanka Siyaasadeed ee Awaza ee lagu ansixiyay shirkii saddexaad ee Qaramada Midoobay ee Dalalka Horumarkoodu Yaryahay ee aan Badda lahayn, kaas oo lagu qabtay Turkmenistan. Fethi ayaa sheegay in Itoobiya ay arrintan si diblomaasiyadeed ula wadaagayso dalalka deriska ah iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo raadinaysa heshiisyo nabadeed oo labada dhinacba faa’iido u leh.
Waxa uu ku adkeystay in Itoobiya ayna u arkin marin-badeedka arrin iyada oo keliya quseysa, balse ay tahay fursad lagu horumarin karo dhaqaalaha gobolka, laguna xoojin karo is-dhexgalka dalalka Geeska Afrika. “Helitaanka marin-badeedku waa arrin ku saabsan horumarinta gobolka, kobcinta dhaqaalaha gobolka iyo xaqiijinta is-dhexgalka gobolka,” ayuu yidhi Fethi.
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli Itoobiya ay sannadihii u dambeeyay si xooggan u muujinaysay baahideeda ku aaddan helitaanka marin badeed, gaar ahaan iyadoo dalka uu yahay mid ka mid ah dalalka ugu dadka badan Afrika ee aan lahayn xeeb.











