Howlgalka lagu qaadayo ciidamadii hore iyo keenista ciidamo cusub ayaa socday muddo ku dhow laba toddobaad, iyadoo diyaarado xamuul iyo diyaarado kale oo ciidamada qaada loo adeegsaday daabulidda ciidanka.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada cusub ay si weyn uga duwan yihiin kuwii hore uga howlgeli jiray deegaanka, gaar ahaan hab-dhaqankooda iyo sida ay ula macaamilayaan bulshada. Ciidamadan ayaa si aad ah uga fogaanaya ku milanka iyo dhexgalka dadka Soomaaliyeed ee ku nool Baydhabo.
Sidoo kale, ciidamada cusub ayaa lagu tilmaamay inay tiro ahaan ku dhowaad laba jibbaar ka badan yihiin ciidamadii hore, waxaana la sheegay inay yihiin ciidamo si wanaagsan u qalabeysan oo leh diyaar-garow ciidan oo sare.
Isbeddelkan ciidamada Itoobiya ay ka sameeyeen Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli magaalada iyo guud ahaan Koonfur Galbeed ay ka jiraan xaalado amni iyo siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer door muhiim ah ku lahaayeen amniga magaalada iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.











