Ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hogamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu ixtiraamayo isla markaana aqbalayo xukunka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira doorashadii isku-sidkaneyd ee Goleyaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Galmudug, taas oo dhacday 30-kii Luulyo 2026.
Ururka ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in mabda’a sarraynta sharciga, madaxbannaanida hay’adaha garsoorka iyo in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan sharci iyo dastuuri ah ay yihiin kuwo udub-dhexaad u ah siyaasaddiisa.
JSP ayaa sidoo kale caddeeysay inuu intii ay socdeen dhammaan marxaladihii doorashada, gaar ahaan doorashadii Galmudug, uu raacay xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka dalka ee looga baahan yahay ururrada siyaasadeed ee ka qaybgalaya doorashooyinka.
Ururka ayaa intaas ku daray inuu diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada ku-celiska ah ee Goleyaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Galmudug, isagoo sheegay in uu u hoggaansami doono Dastuurka, xeerarka doorashooyinka iyo shuruucda kale ee khuseeya.
Dhanka kale, JSP ayaa u mahadceliyay xubnihiisa, hawlwadeennadiisa, taageerayaashiisa iyo shacabka reer Galmudug ee codkooda siiyay ururka intii ay socotay doorashadii hore.
Ururka ayaa ugu baaqay xubnihiisa iyo taageerayaashiisa inay dib ugu diyaar garoobaan ololaha doorashada ku-celiska ah, isla markaana ay sii laba-jibaaraan dadaalkooda iyo hawlkarnimadooda.
Mowqifkan JSP ayaa kusoo beegmaya xilli go’aanka Maxkamadda Sare uu horseeday in dib loo qorsheeyo doorashada lagu muransanaa ee Galmudug, iyadoo dhinacyada siyaasadda laga sugayo inay u hoggaansamaan go’aanka garsoorka iyo habraaca doorashada ku-celiska ah.











