Banaanbax ka dhashay dumista guryaha oo rabshado isu beddelay Muqdisho

0

Banaanbaxayaal careysan ayaa taayirro ku gubay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, halkaas oo rabshado ay ka dhaceen kadib markii dadka deegaanka ay ka hor yimaadeen dumista guryahooda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka uu dhexmaray iska horimaad, iyadoo xaaladdu ay kacsanayd kadib markii la bilaabay hawlgallo lagu duminaayo qaar ka mid ah guryaha ku yaalla degmada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen iska horimaadyada, halka tiro kale oo dad ah ay ku dhaawacmeen. Xogta dhimashada iyo dhaawaca ayaa weli laga sugayaa ilo rasmi ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay ka caroodeen dumista guryahooda, iyagoo dalbanaya in la joojiyo howlgallada lagu burburinayo guryaha iyo in dadka deegaanka loo sameeyo xal ku saabsan dhulka iyo hoyga.

Banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka ku gubay taayirro, taasoo keentay in isu-socodka gaadiidka uu hakad ku yimaado qaybo ka mid ah degmada Yaaqshiid.

Iska horimaadyada ayaa sidoo kale sababay cabsi iyo walaac ay muujiyeen dadka ku nool xaafadaha ku dhow goobta ay rabshaduhu ka dhaceen.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Muqdisho ay ka socdaan howlgallo la xiriira dib-u-habeyn iyo qorsheyaal lagu baneeynayo dhulal ay dowladdu sheegtay inay u baahan yihiin in dib loo habeeyo.

Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka Soomaaliya weli si faahfaahsan ugama hadlin khasaaraha ka dhashay iska horimaadyada iyo cidda mas’uuliyadda dhimashada iyo dhaawacyada qaadaysa.

Xaaladda degmada Yaaqshiid ayaa la sheegay inay weli tahay mid kacsan, iyadoo dadka deegaanka iyo ciidamada dowladda ay wajahayaan xiisad ka dhalatay arrinta dumista guryaha.