Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay howlgalka aroornimadii hore ee maanta ka dhacay xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu cambaareynayo waxa uu ku tilmaamay “tallaabo gurracan” oo taliska muddo-xileedkiisu dhammaaday uu ku beegsaday shacabka ku nool xaafadda Tookiyo.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa tallaabada gurracan ee taliska muddo-xileedkiisu dhammaaday uu aroornimadii hore ee saakay ku beegsaday shacabka xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiiid,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale shacabka xaafadda Tookiyo uga tacsiyeeyay khasaaraha naf iyo maalba leh ee uu sheegay inuu ka dhashay weerarka.
Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda inay muujiyaan midnimo, si looga hortago waxa uu ku tilmaamay “sii socoshada gabood-fallada ka dhanka ah bulshada”, kuwaas oo uu sheegay inay dhaawacayaan sharafta dowladnimada iyo hantida ummadda.











