Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aadan Abuukar Cusmaan (Sheekh Suufi Yare), iyo xubno ka tirsan culimada Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo sidii culimadu door muuqda uga qaadan lahaayeen wacyigelinta bulshada, diyaar-garowga iyo yareynta khataraha ka dhalan kara fatahaadaha iyo saadaasha cimilada ee El Niño.
SoDMA ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojisay wacyigelinta bulshada iyo diyaar-garowga musiibooyinka, xilli saadaasha cimiladu ay muujinayso suuragalnimada roobab xooggan iyo fatahaado ka dhaca qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada loo gudbiyo farriimo joogto ah oo ku saabsan taxaddarka iyo tallaabooyinka ay qaadi karaan dadka ku nool goobaha u nugul fatahaadaha iyo musiibooyinka kale ee dabiiciga ah.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa culimada ugu baaqay inay xoojiyaan doorkooda wacyigelinta bulshada, isaga oo sheegay in culimadu ay yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay leeyihiin awood ay farriimaha gurmadka iyo diyaar-garowga ku gaarsiin karaan bulshada.
Maxamuud Macallin ayaa sidoo kale ku booriyay culimada inay bulshada ku dhiirrigeliyaan is-caawinta, feejignaanta iyo diyaar-garowga xilliyada ay jiraan digniinaha musiibooyinka.
Culimadu waxay door muhiim ah ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada wacyigelinta iyo isku-xirka bulshada, taas oo ka dhigaysa iskaashigooda hay’adaha dowladda mid muhiim u ah wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo.
SoDMA ayaa sheegtay in iskaashiga hay’adaha dowladda, culimada, bulshada rayidka ah iyo shacabka uu muhiim u yahay in la yareeyo saameynta musiibooyinka iyo in bulshada loo diyaariyo khataraha soo socda.











